What We Do

Jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya

Kalfadhiga Labaad ee Xubnaha Golaha Guud

Hargeysa, 4-9ka Disambar 2010

GO’AANNADA KALFADHIGA

Hargeysa, 4ta – 9ka Disambar 2010

Hordhac


Kalfadhiga labaad ee xubnaha Golaha Guud ee Jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya (SOSCENSA) ayaa 4tii – 9kii bisha Disambar 2010 lagu qabtay Hoteelka Ambassador ee magaalada Hargeysa. 46 xubnood oo ka tirsan xubnaha Golaha Guud ayaa kalfadhiga ka soo qayb galay.


Kalfadhigan waxay xubnaha Golaha Guud si saraaxad leh oo uu ka muuqanayo biseylka fahamka waajibaadka Ururrada aan dowliga ahayn ee ku aaddan u doodidda danaha dadka badan, waxay uga wada hadleen dhammaan ajendayaashii ay soo hordhigeen xubnaha Guddiga Agaasinka Golaha Guud ee daladda oo isugu jiray:

A.      Dhammeystirka howlihii dhisidda Daladda gaar ahaan shuruucdii aasaaska u ahayd habsami u socodka howlaha Daladda,

B.      Sida ugu habboon ee loo xaqiijin karo sii jiritaanka Daladda isla markaana xubnaheeda kala duwan isula saan-qaadi karaan iyo

C.      Sida ugu habboon ee ay daladda ula falgali karto dhiggooda ay howl wadaagga yihiin ee gudaha iyo dibaddba sida Jilayaasha dowliga ah iyo deeq-bixiyayaasha.

Gabagabadii kalfadhigaasi muddada toddobaadka ahayd halkaa ka socday, xubnaha Golaha Guud iyagoo maanka ku haya howlaha loo igmaday ee ah u fududeynta jilayaasha aan dowliga ahayn ee koonfurta iyo bartamaha soomaaliya ka qaybgalka wada xaajoodka siyaasadaha ku wajahan nabadda, amniga iyo horumarka ee iyaga khuseeya isla markaana aaminsan in sida keli ah ee loogu xaqiijin karo arrintaasi ay tahay in waxyaabaha mudnaanta gaarka ah u leh nolol wanaaggooda ay gaaraan kulammada wada xaajoodka siyaasadaha heer qaran iyo caalamiba, waxay go’aan ku gaareen:

GO’AANNO.

A.      Golaha Guud wuxuu ansixiyey dhmaystirka hawlihii DHISIDDA DALADDA gaar ahaan shuruucidii asaaska u ahayd habsami u sosocdka hawlaha Dalladda.

Maaddaama sida lagu soo bandhigay warbixintii waxqabadka daladda ee muddada labada sano iyo barka ahayd si buuxda loo dhammeystiray agabkii xafiisyada iyo shaqaalihii howlwadeenka ka ahaa waxaa la ansixiyay dhammaan shuruucdii ay daladdu ku dhaqmi lahayd sida:

1.      Xeerka Daladda oo si buuxda u qeexaya qaab dhismeed dalladeed oo sal u ah taabbagelinta howlaha loo igmaday

2.      Xeer-hoosaadka doorashooyinka oo si faahfaahsan u qeexaya qaab qaybaha daladdu ka kooban tahay u fududeynaya qaybsiga hay’aadkeeda kala duwan iyo

3.      Qaabka loo maamuli karo howlwadeennada iyo hantida Daladda sida Nidaamka iyo Hab-raaca Maamulka Shaqaalaha iyo Maaliyadda.

D.     SIDA UGU HABBOON EE LOO XAQIIJIN KARO SII JIRITAANKA DALADDA ISLA MARKAANA XUBNAHEEDA KALA DUWAN ISULA SAAN-QAADI KARAAN

Si loo xaqiijiyo sii jiritaanka daladda waxaa lagama maarmaan loo arkay in xubnaha Daladda ay si buuxda u fahmaan waajibaadkooda isla markaana loo howlgalo sidii xiriirkooda iyo xiriirka ay la leeyihiin qaybaha kale ee gudaha iyo dibaddaba la wanaajiyo , sidaa darteed waxay xubnaha Golaha Guud go’aansadeen:

1.      Sii jiritaanka Daladda (Platform Sustainability)

a.      In la xaqiijiyo in SOSCENSA ay yeelato mabaadi’ cad oo lagu tixgelin karo in ay tahay dallad muhiim u ah isla markaana faa’iido u leh ka qaybgalka kulammada wada xaajoodka siyaasadda.

b.      In ay awood u yeelato u soo bandhigidda xubnaheeda iyo deeq-bixiyayaashaba qiimaha ay ku soo kordhin karto howlaha loo igmaday iyo xaqiijinta hufnaanta xisaabaadkeeda taas oo keeni karta in la helo dhaqaale gudaha iyo dibaddaba oo lagu socodsiiyo howlaheeda.

c.       In lagu dhiirrigeliyo Saferworld in ay bilowdo mashaariic ay hirgeliyaan xubnaha Daladda iyadoo la iska ilaalinayo in daladdu ay noqoto waddo ay xubnaha u soo maraan maalgelinta si aysan u dhalan khilaaf dhinaca danaha ah doorka Daladduna uu noqdo oo keliya dabagal iyo qiimeyn ku sameynta mashaariicdaasi.

d.      In laga shaqeeyo sidii dowladda ay tabarucaad ugu fidin lahayd xubnaha jilayaasha aan dowliga ahayn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, taas oo ku iman karta in kalsooni laga abuuro jilayaasha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn dhexdooda.

e.      In la dejiyo istaratejiyad U yaboohid lacageed (Fund raising strategy)

f.        Abuuridda mashaariic (Income generation).

2.      Dhisidda awoodda iyo wax qabsiga xubnaha Daladda

a.   In la diyaariyo Istaratejiyadda dhisidda awoodda iyo wax qabsiga xubnaha daladda oo loogu talagalayo dhammaan xubnaha daladda oo dhan si kor loogu qaado aqoontooda iyo wax qabad fiicnidooda loogana kaaftoomo in dib loo kala shaandheeyo xubnaha Daladda.

b.      In loo diyaariyo tababarro xirfadeed dhammaan xubnaha Guddiyada Taakuleynta Guddiga Agaasinka iyadoo tababar kasta ee la siinayo xubnahaasi lagu diyaarinayo istaratejiyadaha lagu xusay waajibaadka Guddi kasta iyo sidoo kale buugaagtii casharradaasi (Manuals) si loogu gudbiyo xubnaha kale ee daladda

c.       In xubnaha Guddiyada loo diyaariyo in ay xirfadaha ay ka kororsadaan tababarradaasi u gudbiyaan xubnaha kale ee daladda iyagoo adeegsanaya buugaagta casharrada ay diyaariyeen xilligii tababarrada ay ku jireen

d.      In la diyaariyo qorshe safarro aqoon kororsi dibadeed (Study tour)

3.      Xiriirka SOSCENSA iyo xubnaha Daladda

Si loo xoojiyo xiriirka Daladda iyo xubnaheeda. Waxaa lagu heshiiyay:

a.      Si loo mideeyo codka xubnaha jilayaasha aan dowliga ahayn ee Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya, SOSCENSA waxay abaabuleysaa kulammo wada xaajood qaybaha Daladda oo ay ku diyaarinayaan Mabaadi’ Guud iyo Xeerka Anshaxa.

b.      Waxaa si buuxda looga shaqeyn doonaa in daladdu yeelato matalaad buuxda ee dhammaan qaybaha koonfurta iyo bartamaha soomaaliya  si loo xaqiijiyo in awood buuxda loo yeesho in daladdu noqoto wakiil wax beddeli kara (Agent of change).

c.       Si loo suurtageliyo joogto u wargelinta xubnaha daladda, SOSCENSA waxay ku faafin/baahin doontaa dhammaan howlaha ay qabanayso boggeeda Internetka  iyo war-side la soo saari doono iyadoo lagu xisaabtamayo dhaqaalaha la heli karo iyo xaaladda hadba lagu sugan yahay.

d.      SOSCENSA waxay ka shaqeyn doontaa dhismaha awoodda iyo wax qabsiga xubnaheeda.

4.      Xiriirka SOSCENSA iyo Qurba-Joogta

Iyagoo eegaya muhimadda ay u leedahay isku xirmidda Daladda iyo qurba-joogta gaaridda ujeeddooyinka Daladda, xubnaha Guddiga Agaasinka waxay soo dhoweeyeen fakarkaasi, waxayna si buuxda isugu raaceen, si loo hormariyo iskaashi dhexmara daladda iyo qurbajoogta, qodobbada hoos ku qoran:

a.      In la billaabo abuuridda Bar-wada-xiriir (point of contact) Daladda iyo qurba-joogta soomaaliyeed iyadoo la adeegsanayo Bogga Internetka ee Daladda.

b.      Maaddaama arrinta kore ay u baahan tahay waqti dheer iyo awoodba, in Mashruuca wejigiisa saddexaad SOSCENSA ku darsato barnaamijyadeeda sii xoojinta xiriirkaasi.

5.      Abaabulka Hantiilayaasha Gaarka ah

Si loo xoojiyo bulshada ganacsatada ah isla markaana ay uga faa’iideystaan fursadaha heshiiska Cotonou, xubnaha Guddiga Agaasinka waxay isku raaceen:

a.      In la tarjumo qaybaha heshiiska Cotonou guud ahaan ama gaar ahaan cutubyada sida gaarka ah u taabanaya jilayaasha aan dowliga ahayn.

b.      In lagu tababaro xubnaha Daladda mabaadi’da guud ee Heshiiska.

c.       In la dejiyo istaratejiyad dib loogu abaabulayo hantiilayaasha gaarka ah si ay si wax ku ool ah uga qaybgalaan heshiiska iskaashiga ACP/EC.

a.      La qiimeeyo qaab dhismeedyada jira ee bulshada ganacsatada ah kuwooda waaweyn iyo kuwa yar yarba iyo heerarkooda wax qabsi.

b.      In la qabto tababar la xiriira Istaratejiyadda EUda ee ganacsiga (EU Trade Strategy)

Doorka Daladda

a.      In ay qiimeeyaan qaabka ganacsiga iyo awooddooda

b.      Diyaariyaan qaabka loo hirgelin karo qorshayaashaasi kor ku xusan

c.       Xiriiriyaan geeddi socodka fulinta howlahaasi isla markaana dabagal ku sameeyaan

6.      Howlgelinta Wakiillada Daladda ee Gobollada iyo Nayroobi

Dooddii ku saabsaneyd howlgelinta wakiillada Daladda, xubnaha waxay soo jeediyeen in la raaco tilmaamaha hoos ku cad:

a.      In la diyaariyo qorshaha shaqo ee billaha ah

b.      In loo gudbiyo qorshahaasi SW si ay u ansixiyaan.

c.       In si adag loogu dhaqmo habraaca warbixinnada maaliyadeed ee soo socda:

Wakiillada gobollada

a.      Wakiil kasta ee Gobol  waa in uu u soo gudbiyo xogheynta, dhammaadka bil walba, isagoo raacaya qaabka warbixin ee ay u soo diraan xogheynta, warbixin faahfaahsan oo ku saabsan xaaladda gobolka ee dhinacyada nabadda, amniga, gargaarka bani’aadamnimo iyo horumarinta la sameeyey.

b.      In xafiiska xogheynta uu ka diyaariyo warbixin guud isla markaana u diro Saferworld iyo wakiilladaba.

c.       Wakiillada waa in ay u soo gudbiyaan baahiyahooda billaha ah si loo diyaariyo bixinta kharashaadkaasi.

Xubnaha kale ee gobolka Banaadir

a.      Iyadoo la raacayo qorshaha shaqo ee billaha ah, xogheyntu waxay abaabuli doontaa shaqooyinka loogu tala galay isla markaana u gudbin doontaa SW si ay u soo oggolaadaan.

b.      Xogheyntu waa in ay dejiso nidaam xisaab cilan habboon.

Wakiillada Nayroobi

a.      Wakiillada Nayroobi waxaa iyana looga baahan yahay in ay raacaan qorshaha shaqo iyo qiimaha loo qoondeeyay ee ku cad go’aanka Guddiga Agaasinka.

b.      Kaddib ay u soo gudbiyaan xafiiska xogheynta warbixin ku saleysan nooca shaqada ee la doonayo in la qabto si looga codsado SW oggolaansho.

c.       Kaddib marka la soo oggolaadana ay fuliyaan howlahaasi una soo gudbiyaan codsi qiime celin kharashaadkii la galay oo ay ku lifaaqan yihiin invoices iyo receipt vouchers si loo bixiyo.

7.      Furitaanka xafiisyada SOSCENSA ee gobollada iyo Nayroobi

Arrintaan oo ahayd arrin mar hore la soo jeediyay, xubnaha waxay isku raaceen in xaaladda hadda la joogo aanay suuragaleyn in gobollada laga furo xafiisyo hase yeeshee waxaa la isku raacay:

a.                  In la abuuro Wakiilka NSAs ee Dalka Kenya loona magacaabo Mudane Aadan Xasan Cabdi

b.                  In mustaqbalka dhow xafiis laga furo Magaalada Nayroobi ee dalka Kenya laba qofna loo shaqeeyo kaddib marka laga diiwaangeliyo dowladda Kenya

c.                   In la sameeyo External Bank Account

8.      Shaqooyinka la doonayo in deg deg loo fuliyo

Wada tashiga dadka ee qabyo-qoraalka dastuurka federaalka

Xubnaha Guddiga Agaasinka waxay ka wada hadleen sida looga qaybqaadan karo wada tashiga qabyo qoraalka dastuurka federaalka waxayna ku heshiiyeen;

a.           In la abaabulo bulshada ku kala nool gobollada Benaadir, Mudug iyo Galgaduud si ay uga qaybgalaan wada xaajoodka qabyo-qoraalka dastuurka federaalka.

b.           Wakiillada SOSCENSA ee gobolladaasi in ay ka soo aruuriyaan kulammadaasi talooyinka ay dadka qabaan una soo gudbiyaan xogheynta.

c.           Xogheyntu ay isku aruuriso kana diyaariso warbixin guud.

Xulashada wakiilka caafimaadka ee SOSCENSA

Kaddib markii la lafaguray arrinta ku saabsan wakiilka SOSCENSA ee caafimaadka waxaa la isku raacay:

a.      In wakiillada gobollada ay abaabulaan shaqaalaha caafimaadka ee goobahooda una diyaariyaan kulammo wada tashi ay ku soo xushaan wakiilka gobolkooda ee caafimaadka.

b.      In ay u soo gudbiyaan liisaska xubnahaasi iyo wakiilkii ay xusheen si uu uga qayb galo kulanka guud ee gobolka ee ay ku xulanayaan wakiilka SOSOCENSA ee caafimaadka.

c.       In xogheyntu ay dejiso qaabka lagu xulanayo wakiilka guud ee caafimaadka.

B.      SIDA UGU HABBOON EE AY DALADDA ULA FALGALI KARTO DHIGGOODA AY HOWL WADAAGGA YIHIIN EE GUDAHA IYO DIBADDBA.

9.      Xiriirka SOSCENSA iyo Dowladda

Si loo sii wado xiriirka SOSCENSA iyo dowladda waxay xubnuhu isku raaceen:

a.      In la abaabulo dood-cilmiyeed ay wadajir uga soo wada qaybgalaan xubnaha jilayaasha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahaynba si loo lafa guro aragtida/fahamka xun ee la kala qabo si loo wanaajiyo xiriirka wada shaqeyneed loona abuuro jawi shaqo oo wax soo saar leh loona sii wado wada shaqeynta

b.      Si taas loo suurtageliyo, xubnaha Daladda waa in ay hormuud u noqdaan istaratejiyad dhisid kalsooni oo ka dhexeysa labada dhinac.

10.  Xiriirka SOSCENSA iyo Bulshada Caalamka

Si kor loogu qaado magaca daladda isla markaana ugu dambeynta loogu sifoobo wakiil wax ku ool ah ee dhinaca Wada Xaajoodka Siyaasadeed ee heer gobol, qaran iyo caalamiba waa in:

a.      Saferworld iyo SOSCENSA ay isla meel dhigaan istaratejiyad wax ku ool ah oo lagu xoojinayo xiriirka wax wada qabsi ee daladda iyo bulshada caalamka isla markaana la xoojiyo gargaarka loo fidinayo dadka gobolladan ee u baahan iyadoo taa looga gol leeyahay in la xoojiyo wax ku oolnimada gargaarka (boost Aid Effectiveness).

b.      Si loo xaqiijiyo arrinta wax ku oolnimada gargaarka (Aid effectiveness) waxaa la abuuri doonaa Koox Shaqo ama Guddi Hoose (Group Work or Subcommittee) ee wax ku oolnimada gargaarka ee daladda iyo Focal point ee gudaha Saferworld ah.

c.       Si gaar ah SW waa in  ay labalaabto kor u qaadidda xiriirka iskaashi ee dowladaha ECda iyo jilayaasha aan dowliga ahayn ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

11.  Shahaaddo Howlkarnimo ah

Gabagabadii kalfadhiga labaad Xubnaha waxay si buuxda isugu raaceen in shaqaalaha SOSCENSA howlihii ay qabteen iyo dadaalkii isku xirnaansho iyo wada shaqeyneed ee ay muujiyeen darteed lagu abaalmariyo SHAHAADO HOWLKARNIMO AH.

Wa billaahi towfiiq.

© 2011 Somalia South-Central Non State Actors. All rights reserved.

Home | Terms & conditions | Privacy Policy | Sitemap | Contact Us

Status

Loading.Please wait...

SOSCENSA | What We Do

Copyright © 2011 - 2013 SOSCENSA. All Rights Reserved